Hey’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa ka hawlgalaysay saldhig ciidan oo qarsoodi ah oo ku taal dalka Sacuudiga oo dayaaradaha aanay cidina wadin ee Mareykanka ee loo yaqaano “Drones” laga duulinayay labadii sano ee u dambeeyay.
Warbaahinta Mareykanka ayaa hadda uun ka war heshay arrintaasi.
Saldhiga ayaa waxa loo sameeyay in laga ugaarsado xubnaha al-Qaacidda ee dalka Yemen.
Diyaarad ah nooca is wada ee Drone ayaa laga tuuray Sacuudiga ayaa lagu dilay Anwar al-Awlaki dalka Yemen sanadkii 2011.
Al-Awlaki waxa uu ahaa wadaad u dhashay dalka Mareykanka waxaana loo arkayay inuu ahaa madaxa hawlgallada al-Qaacida ee Gacanka Carabta.
Lama sheegin halka uu ku yaal saldhiggaasi qarsoodiga ah ee dalka Mareykanku ku leeyahay Sacuudiga.
Kooxaha Islaamiyiinta mintidka ah ayaa waxa muddo dheer ay ku eedeyn jireen masuuliyiinta Sacuudiga oo ay sheegeen inay aad ugu dhaw yihiin Mareykanka.
balse tan ayuunbaa iminka soo shaac baxday, oo la ogaado in maraykanku uu al qaacida iyo kooxaha islaamiyiinta ah inuu ka ugaadhsado saldhigaas.








