dalad dalladLondon magudhenews Waxa habeenkii  ay taariikhdu ahayd 5/02/2012  ka dhacay caasimada wadankan Ingiriska london shir balaadhan oo ay iskugu yimadeen aqoon yahanno somaliland ah oo isagu jira siyaasiyiin iyo xisbiyada qaranka somaliland oo ay uga hadleen danta guud ee wadanka ay marayso iyo sidii loo heli lahaa badbaado qaran shirkan oo ay ka soo qayb galeen sadexda xisbi qaran iyo ururadii ku haray tartankii doorashada ayaa waxa laga dhawaqay Dalad cusub oo ay ku miday san yihiin aqoonyahanadan somaliland ee ku su gan Uk daladan oo loogu magac daray Somaliland United Forum ayaa waxa ay ka hawl gali doonta wadanka gudihiisa iyo dibadiisa waxanay diyaarinaysaa ajande baladhan oo aqoonsiga somaliland loogu dooni lahaa iyo sidii ay is badal ugu samayn lahayd wadankii xaga siyaasada arimaha dibada.gaba gabadii ayaa waxa lagu doortay gudoomiye iyo laba gudoomiye ku xigeen iyo xoghayntii oo sidan aan idinku soo xusi doono magacyadooda . Dalladan oo ujeeedada ugu muhiimsan ee loo sameyay ay tahay sidii quluubta iyo Bulshadda reer Somaliland loo miidaynlahaa maadama doorashadda Golaha degaanka ee dhawaan dhacday ay kala fogeysay Bulshaddii reer Somaliland. Haddaba ujeedooyinka Dallada Somaliland United Forum (SUF) ayaa sidan ah:

1. Kashaqaynta Midnimadda iyo jiritaanka Qaranimadda Somaliland

2. Kashaqaynta Xaqsoorka iyo tiirarka Cadaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland kutaagantahay

3. Kashaqaynta Gooni istutaaga Somaliland iyo Ictiraafraadinta Somaliland.

4. Toosinta iyo tilmaaminta xukuumadda Somaliland wixii kaqaloocan.

5. Kashaqaynta iskuxidhka Bulshadda( Saboolka ilaa taajirka), kuna dhiirigalinayna In Tujaartu caawiso dadka Saboolka ah ee shacbiga reer Somaliland Dalladan oo ah Dallad ay usimanyihiin shacbiweynaha reer Somaliland ayaa waxaanu Bulshadda reer Somaliland ugu baaqaynaa in nagalasoo qaygalaan fikirkooga iyo arigtoodana nala wadaagaan. Email Dallada. Somalilandunitedforum@gmail.com

1-Gudoomiyaha Ururka ku meel Gaadhka Mudane Emsadoor:Cabdifataax Siciid Axmed .

2-Gudoomiye ku Xigeen:Mudane Cabdilaahi Saleebaan Warsame.

3-Gudoomiye ku Xigeenka Labaad .Mudane Najax Tulux

4-Xoghayaha Guud :Mudane Ibraahin Ducaale Talaabo

5-Afhayeenka Ururka :Ibraahin Dakhare

6-Gudoomiyaha Abaabulka iyo Xidhiidhka :Mudane Cabdiqadir Cabdiraxman ( Cabdiqadir Wadani)

7- Madaxa Maaliyada Ururka Marwo Rooda Cusmaan Mustawi Xubnaha ururka oo dhamaan shacabka reer somaliland ee qurbejooga ay u furan tahay inay xubno ka noqdaan ,waxanay ugu baqeen in ay dhawaan qaban donaa shirwayne qaran oo ka dhici doona london .