laascaanoodHargeysa (magudhenews)- Xaalad abaareed oo baahsan ayaa laga soo sheegayaa degaamo badan oo ku yaalla gobolka Sool, gaar ahaan deegaannada howdka ee oomanaha ah.

Degaanka Karin-dabayl-weyn oo dhaca Koonfurta degmadda Laascaanood ayaa laga soo sheegayaa in xaaladda ugu darani ka taagan tahay, halkaas oo baadkii iyo biyihiiba ay gabaabsi noqdeen.

Maxamuud Warsame Cali oo ka mid wax-garadka deegaanka Karin-dabayl-weyn ayaa sheegay in dadkii reer guuraaga ahaa ay u hayaamay degaanno aad u fog-fog oo ay ka mid yihiin gobollada Nugaal, Mudug iyo Togdheer iyagoo duunyada ay haystaan baad iyo biyo la baadigoobaya.

“In dadkii deegaannadan deggenaa ay barakacaan waxaa sababay qiimihii raashinka oo aad sare ugu kacay iyo iibkii xoolaha oo istaagay, taasoo keentay inay istaagto noolsha dadkii deegaannadaan ku noolaa,” ayuu yidhi Maxamed Warsame, siday faafisay shabakadda Hiiraan oo aanu warkan ka soo xiganay.

Sidoo kale, Maxamuud Warsame oo ku hadlayay afka waxgaradka dadka ku haray deegaannadaas ayaa ku baaqay in gargaar deg-deg ah lala soo gaaro, isagoo sheegay in xaaladda dadkaas ay aad u adag tahay.
Ayaan Siciid oo ka mid ah kooxaha caafimaadka ee la dagaalama nafaqo-darrada haysata dadka tuulooyinkaas deggen ayaa waxay sheegtay inay abaarta haatan taagan ay tahay tii ugu adkayd ee ay deegaannadaas ku aragto, iyadoo qiimaha Biyuhuna sare u kaceen.

Waxaa kale oo ay Ayaan sheegtay inay jiraan nafaqo-darro baahsan oo kusii fidaysa dadka jilicsan sida dumarka, carruurta iyo waayeelka, taasoo marba marka kasii dambeysa sii kordhaysa. Iyadoo sheegtay in toddobaadkii hore ay ku qiyaaseen 25% dadka nafaqo-darradu haysto, halka ay maanta ka yihiin 30% taasoo muujinaysay in tiradu ay si xowli  Leh kor ugu sii kacaysa.

Maaha deegaankan oo keliya dhulka ay abaartu saamaysay, waxaa kale oo la sheegay in deegaanno badan oo ay ka mid tahay degmada Taleex, iyadana qaybo ka mid ah laga soo sheegayo xaalad abaareed.