Hargeysa (magudhenews)-Alle ha u naxariistee Askari hore uga ka tirsanaa Ciidanka SPU-da ee Somaliland oo magaciisa la odhan jiray Guray Cirro ayaa caawa isku dal-dalay geed ku yaala gudaha xarunta dambi-baadhista ee CID-da ee Magaalada Hargeysa.
Marxuumka oo ka shaqayn jiray SPU-da ayaa ayaa la sheegay in markii laga eryay uu muddo kooban la sii shaqeeyay ciidamada ilaalada hay’addaha ajaanibka ah, balse markii danbena laga eryey shaqadaas uu sida ku meelgaadhka ah ugu sii shaqayn jiray ayaa isagu mar kaliya uun laga warhelay isaga oo iska soo laad-laadiyey geed ku yaala gudaha xaruntaasi.
Marxuum ayaa markii uu is dal-dalay maydkiisu in mudo ah ka sii laad-laaday, kaas oo markii danbe laga soo furay geedka, ayaa warqada la sheegay inuu qoray ka sokow ay Ciidamada CID-da ee uu Xaruntooda isku dal-dalay ay baadhitaano la xidhiidha dilka askarigaas ka bilaabeen goobtaas, taas oo aan ilaa imika si dhab ah loo ogayn sababta dilkaas.









